Guudmarka

The Commercial Landlord Hardship Fund Round 2 wuxuu siiyaa deeqa gaaraya ilaa $3,000 kiraysta walba mulkiilayaasha kuwaas oo siiya gargaarka ijaarka sida waafaqsan Mashruuca Gargaarka ee Kiraysiga Ganacsiga (Commercial Tenancy Relief Scheme)

Wac Business Victoria khadkan 13 22 15 haddii aad qabto su’aallo ku saabsan  Commercial Landlord Hardship Fund Round 2, ama haddii aad u baahan tahay caawimada buuxinta dalabka.

Dalabyada Commercial Landlord Hardship Fund Round 2 waxay xirmayaan 11:59 saqda dhexe 28 Maarso 2021 ama marka lacagtu dhamaato , hadba kii soo hormara.

Waa maxay taageerada la heli karo?

Deeqda ugu badan qofkiiba ayaa noqonaysa ilaa $3,000. Inta deeqdu le’egtahay waxay la mid noqonaysaa inta kirada ee laga dhaafay ijaarka iyada oo loo maryo Mashruuca Gargaarka ee Kiraysiga Ganacsiga (Commercial Tenancy Relief Scheme). Ijaar dhaafidu waa marka qaar ama dhamaan ijaarka lagu leeyahay muddo la isku raacay aan weligeed la bixin.

Haddii dhowr qof mulkiileyaal hal guri ah., deeq ayaa loo qoondayn doonaa iyadoo loo eegayo saamiga lahaanshaha ee guriga.

Tusaale ahaan: Saddex mulkiile oo wadaaga hal guri saami isku mid ahna leh ayaa bixiyeyna$2,400 gargaar ijaar Mashruuca Gargaarka ee Kiraysiga Ganacsiga (Commercial Tenancy Relief Scheme) muddo u dhaxeysa 1 Janaayo ilaa 28 Maarso 2021. Mulkiile walba wax uu xaq u leeyahey saddex meelood oo meel lacagta deeqda ah ee dhan $2,400 oo noqonaysa $800 midkiib.

Yaa dalban kara deeqdaan?

Mulkiilayaasha ayaa dalban kara deeq haddii ay buuxiyaan dhamaan shuruudaha lagu muujiyey tilmaamaha barnaamijka.

Si ay xaq ugu yeeshaan, mulkiilayaasha waxaa waajib ku ah:

  1. inay haystaan isku darka taxable landholdings oo ka yar $3 milyan. Tan waxaa ku jira qayb ka yar hantida ku jirta guryaha laakiin aan ka mid ahayn meesha degaanka rasmiga u ah arjiilaha
  2. waa inuu ta’kiidiyaa lahaanshaha guriga qofkaas oo bixinaya Nambarka Macmiilaha lagu xusay State Revenue Office Land Tax Assessment Notice, ama 2020-21 Municipal Rates Notice
  3. noqo milkiilaha guri ay ku xiran tahay Mashruuca Gargaarka ee Kiraysiga Ganacsiga (Commercial Tenancy Relief Scheme eligible tenancy)
  4. Arjiiluhu waa in uu noqdaa hantiilaha haysta heshiiska kiraynta hadda ah kaas oo siiya gargaarka kiraystaha/sha sida waafaqsan  Commercial Tenancy Relief Scheme inta u dhexaysa 1 da Janaayo 2021  28 da Maarso 2021.

Macluumaad muhiim ah

Mulkiiluhu wuxuu dalban karaa oo keliya hal dalab oo deeq ah halkii guriba ee barnaamijkaan.

Mulkiilayaasha wadaaga hal guri mid walbaa waa inuu u soo qadimaa dalabyo gaara wareega labaad Commercial Landlord Hardship Fund.

Lacagta ugu badan oo uu heli karo halkii kirayste waa $3,000. Tani waa deeqda ugu badan oo ay heli karaan mudada dalabka oo dhan.

Kireeyahay waxaa waajib ku ah inuu u isticmaalo deeqda inuu ku daboollo lacagta laga jaray kiraystaha sida waafqsan Mashruuca Gargaarka ee Kiraysiga Ganacsiga (Commercial Tenancy Relief Scheme)

Caddaynta caawimaysa dalabkaaga

Arjiilayaasha waxaa waajib ku ah inay bixiyaan caddaynta soo socota:

  • Ta’kiidinta lahaanshahooda hantida iyada oo la bixinayo midka mida State Revenue Office Land Tax Assessment Notice ama 2020-21 Municipal Rates Notice
  • Koobiga heshiiskooda ijaarashada wuxuu muujiyaa inta ijaarku ahaa ka hor COVID (pre-COVID rent amount), meesha lagala xiriirayo kiraystaha (sha) iyo nambarka kiraystaha/ kiraystayaasha Australian Business Number(s)
  • Caddayn qoran in dalbaduhu bixiyey gargaarka ijaarka kiraystayaasha guriga kaas oo ku xiran yahay Mashruuca Gargaarka ee Kiraysiga Ganacsiga (Commercial Tenancy Relief Scheme) xaqa u yeelashada kiraysiga. Faahfaahinta kiraystaha/sha waxaa looga baahan yahaycaddeeyaan xaq u yeelashada Mashruuca Gargaargka Kiraysiga Ganacsiga(Commercial Tenancy Relief Scheme)

Sida loo dalbado

Dhamaan dalabyada waa in lagu sameeyaa online iyada loo marayo Websaytka Ganacsiga ee Fiktooriya (Business Victoria website.)

Dhamaan su’aallaha ku yaalla foomka dalabka (application form) waxaa waajiba in la bixiyo waxaana lagu xirayaa dukumintiyada ku lifaaqan si loo xaqiijiyo qiimayn waqtigeeda ku dhacda iyo deeq bixin

HADDA DALBO

FUR DALABKA LA BUUXIYEY

The Department of Jobs, Precincts and Regions (Waaxda Shaqooyinka, Degmooyinka iyo Gobollada) ayaa higsan doona inay ku wargeliyaan  codsadayaasha natiijada codsigooda labaatan maalmood oo shaqo gudahood.

Xaggee ka heli karaa macluumaadka ama caawimada dalabkayga ah?

Wixii caawima siyaada ah fadlan nagala xiriir ama wac Business Victoria Khadka tooska ah13 22 15.

Caawimada luqadaada, wac Adeega Tarjumida iyo Afcelinta (TIS National) oo ah 13 14 50 weydiina Business Victoria khadka tooska ah (13 22 15). Adeegaan waxaa heli kara qof kasta ama urur kasta oo jooga Australiya oo u baahan adeegyada tarjumida qoraalka iyo afcelinta.